Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle.

Soo dhaweeyn kadib Madaxweynaha KGS ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda, ku xigeenkiisa, Agaasimayaal iyo Lataliyayaal sare oo SoDMA ka tirsan, waxaana looga warbixiyey xogta guud ee hay’adda SoDMA, waxyaabaha u hirgalay, iyo si guud dadaallada bini’aadanimo ee hay’adda wado iyo in ay soo korortay Dufaano culus oo loogu magacdaray Laly, taas oo si gaar ah looga cabsi qabo in ay ku dhufato qaybo kamid ah degaannada Jubbaland , Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x