Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa hoga tusaaleynaya kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah, Is afgaradkaan ayaa shaqeynaya muddo sannad ah waxaana la cusbooneysiin doonaa sannad walba si loo hubiyo loona xoojiyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee labada dal. Heshiiskan is afgaradk ah ayaa sidoo…

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa intii uu socday shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Carabta waxa uu shir gaar ah oo muhiim ah la qaatay madax ka kala socotay Dalalka Saudi Arabia, Qatar, Algeria, Imaaraadka Carabta iyo qaar ka mid ah maxda hey’adaha Maaliyadda Carabta oo ay ka mid yihiin Sanduuqa Abu-Dubai iyo Hey’adda Dhaqaalaha Carabta ee loo soo gaabiyo AMF.

Shirkaan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii dhanka dalalka carabta ay dowladda Soomaaliya ula meel dhigi lahaayeen deymaha dhankooda ah maadaama dunkda inteeda kale ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay deynta ka cafiyeen. Kulankan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalka Dowladda ee lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dhaqaale ahaan u horumarto, iyada oo ay jiri…